Seattle Public Schools

Isbedelka la soo jeediyay ee wakhtiyada bilowga dugsiga 2022-23

Summary: Dugsiyada Dadweynaha Seattle (SPS) waxay soo jeedinayaan isbeddelka wakhtiga gambaleelka ama jalaska (bilowga iyo dhammaadka maalin dugsiyeedka)

 Isbedelka la soo jeediyay ee wakhtiyada bilowga dugsiga 2022-23

Dugsiyada Dadweynaha Seattle (SPS) waxay soo jeedinayaan isbeddelka wakhtiga gambaleelka ama jalaska (bilowga iyo dhammaadka maalin dugsiyeedka) sannad dugsiyeedka soo socda. Jadwalkan cusub waxa uu bilaaban doonaa maalinta ugu horeysa ee dugsiga. Sebtembar 7 waa maalinta koowaad ee dugsiga ee ardayda fasalka 1aad – 12aad. Sebtembar 12 waa maalinta koowaad ee xanaanada ama Kindergarten.  

Guddiga Dugsiga ayaa u codeyn doona Heerarka Adeegga Gaadiidka 2022-23, oo ay ku jiraan saacadaha gambaleelka ee dhammaan dugsiyada, bisha Maayo. 

Waxaan ogsoonahay in isbeddelka saacadaha gambaleelka ay saamaynayaan wakhtiga qoysaska iyo shaqaalaha. 

Waa maxay sababta Isbadalka? 

Waqtigan xaadirka ah, waxaa jira laba waqti oo ey bilawdaan dugsiyadeenna – mid bilow u ah inta badan ardayda dugsiyada hoose, iyo bilowga ardayda sare (fasalada 6-12) iyo K-8. Isbeddelku wuxuu dejin doonaa nidaam saddex-heer ah. 

Sannad-dugsiyeedkan, waxaa jiray caqabado xagga bixinta adeegga baska jaalaha ah (Buska iskuulka) sababtoo ah darawal la’aanta baahsan ee waddanka oo dhan. 

Ma jirin darawalo ku filan tirada basaska dugsiga ee aan u baahanahay wakhtiyada hadda. Taasi waxay dhalisay in degmadeenu ay joojisay qaar ka mid ah adeegii basaska, iyaga oobasaska qaarkood ey dib u dhac samaynayeen hal ilaa laba saacadood. 

Waxaa hadda jira 50 bas iskuul oo la hakiyay darawal la’aan awgeed. yaraanta wadayaasha basaska dugsiyada dalka oo dhan ayaa la filayaa inay sii socoto sanadka soo socda. 

U guurista nidaamka saddexda heer ee wakhtiyada bilawga ah waxay u suurta gelinaysaa darawal kasta inuu glo triibyo badan, waxayna yaraynaysaa tirada darawalada loo baahan yahay. Tani waxay u ogolaan doontaa degmadeena inay gaarto yoolka gaadiid joogto ah, la isku halayn karo oo ardayda ah. 

Sidee Jadwal Saddex-Heer u Shaqeynayaa? 

Dugsi kastaa waxa loo samynayaa wakhti bilaw iyo mid dhammaad, sida ay hadda yihiin oo kale. Naqshadda wakhtiyada ku meelgaarka ah ee bilowga  dugsi kasta waxa laga heli karaa shabakada degmada.  

Goorma ayuu Heer kasta Bilaaban doonaa? 

Naqshadda hadda taal, waxaanu tixgelineynaa wakhtiyadan soo socda in ey biloga maalinta noqdaan: 

  • Heerka 1: Bilaw 7:30 subaxnimo 
  • Heerka 2: Bilaw 8:30 subaxnimo 
  • Heerka 3: Bilaw 9:30 subaxnimo 

Fikirkaaga ama Su’aalahaaga 

Waxaan rajeyneynaa inaan horay u sii wadno qorshaha nidaamka saddex-heer ee waqtiyada bilowga dugsiyada. Waxaan ognahay inay jiri doonaan su’aalo iyo caqabado xilliga kala guurka ah. 

Fadlan isticmaal isku xirka Aan Wada hadalno Let’s Talk  si aad noogu soo gudbiso su’aalaha iyo caqabad kasta oo laga yaabo in aanu gafney. 

Jadwalka waqtiga 

Saacadaha saddexda heer ee gambaleelka waxa lagu dari doonaa Heerarka Adeegga Gaadiidka SPS ee 2022-23. Dukumeentigan waa in ay ansixiyaan Guddiga Dugsiga Seattle sannad kasta. 

Abriil 21- Maayo 18: Fikradaha dugsiga iyo bulshada waa la ururiyey lana tixgeliyey. 

Abriil 21: Guddiga Hawlaha Guddiga Dugsiga – Waxay dib u eegaan soo jeedinta lagu taliyey oo waxay go’aamiyaan in loo diro Guddiga Dugsiga oo buuxa. Wax ka beddelka talada waxa la samayn karaa ka hor hordhaca guddiga. 

Maayo 4: Kulanka Guddiga Dugsiga – Hordhaca Heerarka Adeegga Gaadiidka 

Maayo 18: Kulanka Guddiga Dugsiga – Codeynta Guddiga Heerarka Adeegga Gaadiidka 

Waxaan fahamsanahay in isbeddel kasta oo lagu sameeyo jadwalka dugsiga uu keeni karo caqabado. Isbeddelkan waa lama huraan si loo hubiyo in ardaydu ku yimaadaan dugsiga waqtigii loogu talagalay. 

You may also be interested in

A graphic with clock and bell

Majiro isbeddel ku yimi Waqtiga bilawga dugsiyada sanad dugsiyeedka 2022-23

Markii aanu dhegeysaney qoysas badan oo ka walaacsan soo jeedinta ah in la beddelo waqtiyada bilowga dugsiga.
A graphic with clock and bell

In badan kabaro xiliyada gambaleelada lasoo jediyaa 2022-23

Seattle Public Schools ayaa soo jeedinaayo in la bedelo waqtiyada iskuulada dhamaan laga bilaabo sebtembar 2022.
A graphic with clock and bell

Warar cusub oo kusaabsan xilga lasoo jeediyey ee isbedelka jalaska dugsiyada

Waxaan qaadaneynaa waqti dheeri ah si aan uga shaqeyno siyaabaha aan wax uga qaban karno caqabadahaas.