Seattle Public Schools

Warar cusub oo kusaabsan xilga lasoo jeediyey ee isbedelka jalaska dugsiyada

Summary: Waxaan qaadaneynaa waqti dheeri ah si aan uga shaqeyno siyaabaha aan wax uga qaban karno caqabadahaas.

Isbeddellada la soo jeediyay ee xilliyada bilowga dugsiga (waqtiga gambaleelka) laguma soo bandhigin shirka guddiga dugsiga ee 5tii Maayo sidii la filayay.

Waxaan ka helnay jawaab celin badan qoysaska iyo la-hawlgalayaasha bulshada ee ku saabsan caqabadaha soo jeedintan u abuuri doonto qoysaska iyo shaqaalaha. Waxaan qaadaneynaa waqti dheeri ah si aan uga shaqeyno siyaabaha aan wax uga qaban karno caqabadahaas.

Dugsiyada Dadwaynaha Seattle waxaa ka go’an inay bixiyaan gaadiid la isku halayn karo oo ardayda geynaya dugsiga wakhtiga loogu talagalay diyaarna u ah inay wax bartaan. Shaqaaluhu waxay sii wadi doonaan inay la shaqeeyaan dugsiyada, qoysaska, iyo la-hawlgalayaasha dhawrka toddobaad ee soo socda marka aan hagaajinno qorshahan. Waxaan sidoo kale sii wadi doonaa inaan u gudbino xogta qoysaska sida ugu dhakhsaha badan

Waxaad ka heli kartaa macluumaadkii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan warakii ugu dambeeyey su’aalaha inta badan la isweydiiyo bell times webpage.

Waad ku mahadsan tahay qof kasta oo nala soo xiriiray isbeddellada la soo jeediyay iyada oo loo marayo isku xirka aan wada hadalno iyo sidoo kale hababka kale. Waxaan sii wadi doonaa inaan dib u eegno dhammaan jawaab-celinta oo aan la wadaagno shaqaalaha iyo Agaasimayaasha Guddiga Dugsiga. Let’s Talk waa habka ugu wanaagsan ee aad ku wadaagi karto faallooyinkaaga iyo welwelkaaga.

You may also be interested in

Isbedelka la soo jeediyay ee wakhtiyada bilowga dugsiga 2022-23

Dugsiyada Dadweynaha Seattle (SPS) waxay soo jeedinayaan isbeddelka wakhtiga gambaleelka ama jalaska (bilowga iyo dhammaadka maalin dugsiyeedka)…
A graphic with clock and bell

Majiro isbeddel ku yimi Waqtiga bilawga dugsiyada sanad dugsiyeedka 2022-23

Markii aanu dhegeysaney qoysas badan oo ka walaacsan soo jeedinta ah in la beddelo waqtiyada bilowga dugsiga.
A graphic with clock and bell

In badan kabaro xiliyada gambaleelada lasoo jediyaa 2022-23

Seattle Public Schools ayaa soo jeedinaayo in la bedelo waqtiyada iskuulada dhamaan laga bilaabo sebtembar 2022.