Seattle Public Schools

Majiro isbeddel ku yimi Waqtiga bilawga dugsiyada sanad dugsiyeedka 2022-23

Summary: Markii aanu dhegeysaney qoysas badan oo ka walaacsan soo jeedinta ah in la beddelo waqtiyada bilowga dugsiga.

Markii aanu dhegeysaney qoysas badan oo ka walaacsan soo jeedinta ah in la beddelo waqtiyada bilowga dugsiga.

Kormeeraha guud Jones wuxuu go’aamiyay in Dugsiyada Dadweynaha Seattle (SPS) ay sii wadi doonaan nidaamka gaadiidka labada goor sannad dugsiyeedka 2022-23. Tani waxay ka dhigan tahay dugsiyada hoose, K-8, iyo kuwa dhexe ma beddeli doonaan waqtiyada bilowga ilaa iyo dhammaadka Sebtembar. Dugsiyada sare qaarkood ayaa laga yaabaa inay arkaan isbeddel 10-daqiiqo ah wakhtiga bilowga.

Go’aankani wuxuu noo ogolaanayaa inaan ilaalino qaabka hadda jira inta aan sii wadeyno helitaanka habab aan ku hagaajinno adeegyada gaadiidka. Yaraanta darawalnimada baska qaranku waxay sii socotaa inay saamayso awooddayada si aan u siino adeeg buuxa dhammaan ardayda u qalanta gaadiidka. Waxay u badan tahay in aan ku bilowno sannad dugsiyeedka 2022-23 adeeg bas la dhimay oo jiray tan iyo dayrtii hore. Waxaan sii wadi doonaa inaan sahminno inaan dib u soo celin karno wadooyinkii la hakiyay iyo in kale. Iyadoo la raacayo qorshahayaga istaraatiijiyadeed, SPS waxay mudnaan siisaa nidaamyada si loogu adeego ardayda midabka leh iyo kuwa ka fog caddaaladda waxbarashada.

Bilaha soo socda, waxaa jiri doona fursado badan oo lagu wadaago ra’yi-celintaada iyo ra’yigaaga inta aan sii wadno daraasadda fursadaha jira ee adeegyada gaadiidka la isku halayn karo. Waxaa naga go’an inaan hubinno inay ardaydu ku yimaadaan dugsiga waqtigii loogu talagalay oo ay diyaar u yihiin inay wax bartaan.

Waad ku mahadsan tahay dhammaan qoysaska soo diray faallooyinka. Haddii aad hayso su’aalo ama faallooyin, fadlan nagula wadaag foomka jawaab celinta ee Aynu Ka Hadlo. Waan akhrinay oo tixgelinnaa farriin kasta.

You may also be interested in

A graphic with clock and bell

Warar cusub oo kusaabsan xilga lasoo jeediyey ee isbedelka jalaska dugsiyada

Waxaan qaadaneynaa waqti dheeri ah si aan uga shaqeyno siyaabaha aan wax uga qaban karno caqabadahaas.

Isbedelka la soo jeediyay ee wakhtiyada bilowga dugsiga 2022-23

Dugsiyada Dadweynaha Seattle (SPS) waxay soo jeedinayaan isbeddelka wakhtiga gambaleelka ama jalaska (bilowga iyo dhammaadka maalin dugsiyeedka)…
A graphic with clock and bell

In badan kabaro xiliyada gambaleelada lasoo jediyaa 2022-23

Seattle Public Schools ayaa soo jeedinaayo in la bedelo waqtiyada iskuulada dhamaan laga bilaabo sebtembar 2022.