Seattle Public Schools

Resources

Health Services

Macluumaad Caafimaad oo Muhiim ah Sanad Dugsiyeedka Cusub

Tallaaladu Ma Dhamaystirayihiin?

Sharciga Gobolka Washington wuxuu dhigayaa inuu arday kastaa keeno caddaynta u hoggaansanaanta tallaalka si uu u xaadiro dugsiga. Haddii aad ka heshay warqad ka timid Adeegyada Caafimaadka oo ku saabsan tallaallada uu ardaygu u baahan yahay dugsiga, fadlan hubi in ilmahaagu helo tallaalka(yada) ku qoran warqadda ama keen dukumentiyo muujinaya ka-dhaafitaannada.

U dir diiwaanka tallaalka kalkaalisada dugsiga ama bixiyaha xanaanada caafimaadkaaga fakis haka siiyo diiwaanka kalkaalisada.

Shuruudaha tallaalka waxaa laga heli karaa bogga Tallaalka Adeegyada Caafimaadka

Xaalado Caafimaad oo Nafta Halis-Gelinaya

Haddii uu ilmahaagu qabo xaalad caafimaad oo nafta-halis gelisa (Sonkorowga, Xasaasiyadda, qalalka, Neefta, iwm.), walxaha soo socda waa in la bixiyaa maalinta koowaad ee dugsiga ama ka hor:

  • Daawaynta Nafta Badbaadineya
  • Foomamka Oggolaanshaha Daawada
  • Qalabka daawaynta

Si loo hubiyo caafimaadka iyo badbaadada ardaygaaga inta lagu jiro maalinta dugsiga, Sharciga Gobolka Washington wuxuu dhigayaa in ardaygaaga laga saaro dugsiga ilaa alaabtan ay ka hesho kalkaalisada dugsiga. Fadlan u sheeg kalkaalisada dugsigaaga haddii aad wax caqabad ah ku haysato bixinta alaabtan si ay u bixiyaan taageero.

Siyaasadda SPS 3413 ee ku saabsan habka ka saarista waxa laga heli karaa bogga siyaasadaha iyo habraacyada Guddiga Dugsiga ee hoos yimaada “Tallaalka Ardayga iyo Xaaladaha Caafimaad Nafta-Halis-gelinta ah.”

Wararka Ugu Dambeeyey ee Caafimaadka

Fadlan u soo sheeg arrin kasta oo caafimaad oo ilmahaagu qabo taas oo saamayn karta badbaadada iyo waxbarashada kalkaalisada dugsiga

Buuxi foomka Cusbooneysiinta Caafimaadka Ardayga:

Foomka Daawada

Waydii dhakhtarkaaga inuu buuxiyo Oggolaanshaha Dawooyinka lagu qaato Dugsiga

  • Daawo kastaa waxay u baahantahay qaab u gaar ah
  • Bixiyahaaga daryeelka caafimaadka waa inuu saxeexaa
  • Waa inaad saxiixdaa foomka

 Tan waxa looga baahan yahay DHAMMAAN daawooyinka.

Daawo

Dhammaan dawooyinka waa inay ku jiraan weelkoodii asalka ahaa oo leh calaamad farmashiye.

Daawooyinka degdega ah waa in ay yaalaan dhismaha dugsiga maalinta koowaad ama ka hor.

Hubi taariikhaha daawadu dhacayso! Isku day inaad hesho dawooyin socon doona sannad dugsiyeedka oo dhan.

Cirbadda Hargabku waa Badbaadiye Nololeed!

U qorshee ardaygaaga iyo xubnaha qoyskaaga tallaalka hargabka. Waa kan sida:

  • La xidhiidh Xarunta Caafimaadka ee Dugsiga (Ardayda oo keliya)
  • Ka raadso daryeel bixiyaha xanaanada caafimaadkaaga

Ka raadi ogaysiisyada soo socda ee fursadaha bogga internetka ee Dugsiyada Dadweynaha Seattle

Ka Gaashaamo Xanuunada Neef-Mareenka

Qaado tillaabooyin kaa caawinaya maaraynta fiditaanka cudurrada neef-mareenka, oo uu ku jiro COVID-19, oo midba midka kale ilaaliyo.

Haddii lagaa helay COVID-19, ogaysii dugsigaaga, oo isku karantiil guriga shan maalmood oo buuxa.

Ka Diiwaangeli Ardaygaaga Xarunta Caafimaad ee Dugsiga!

Ardaygaagu wuxuu aadi karaa xarun kasta oo caafimaadka ku salaysan oo ku taal degmada. Fadlan horay u soo wac

Hel xarun caafimaad oo dugsi oo kuu dhow ama isticmaal khariidaddan is-dhexgalka si aad u hesho midda kuugu dhow.