Seattle Public Schools

Who to Contact (so)

Talaabooyinka lagu Xalinayo Tabashada

Talaabada 1: La xidhiidh Macallinka ama La-taliyaha

Inta badan welwelka waxaa lagu xallin karaa caawinta macalinka ama shaqaalaha dugsiga ilmahaaga.

  • Fasalada dugsiga barbaarinta ilaa fasalka 5aad, la xidhiidh macalinka ilmahaaga.
  • Fasalada 6-12aad, la xidhiidh macalinka ama lataliyaha ilmahaaga.

Shaqaalaha dugsiga ayaa halkan u jooga inay caawiyaan ilmahaaga. Macallimiintu waxay kaa caawin karaan xallinta welwelka marka loo sheego sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah. Fadlan maskaxda ku hay, macalimiintu waxay taageeraan arday badan. Waanu ku mahadsan nahay dulqaadkaaga.

Talaabada 2: La xidhiidh maamulaha dugsiga

IHaddii aad aaminsantahay in welwelkaaga aan la xalin, la xiriir maamulaha dugsiga.

Tallaabada 3: La xidhiidh Xafiiska Degmada

Haddi welwelku sii ahaado mid aan la xalin ka dib markaad la hadasho maamulaha dugsigaaga, fadlan la xidhiidh mid ka mid ah doorashooyinka hoose iyadoo lagu saleynayo xaaladaada.


Ka warbixinta walaacyada badbaadada

IXaalad degdeg ah, wac 911

La xidhiidh Badbaadada iyo Amaanka

  • Welwelka iyo su’aalaha amniga ardayga ama shaqaalaha
  • Macluumaadka u diyaargarowga degdega ah

Waaxda Badbaadada iyo Amniga waxaa shaqeeya 24 saac maalintii, 365 maalmood sanadkii. Arrimo degdeg ah, kala xidhiidh Badbaadada iyo Ammaanka telefoon 206-252-0707.


U xoogsheegashada ama takoorka ardayga

La xidhiidh Xafiiska SPS ee Xuquuqda Madaniga ah wixii walaac ah ee ku saabsan

  • Takoorka
  • Dhibaatayn
  • Caga jugleyn
  • Xadgudubka Galmada

Warbixinada waxaa lagu samayn karaa hadal ama qoraal.


La xidhiidh dhexdhexaadiyaha degmada

Hadii aadan hubin cidda aad la xiriireyso ama haddii aad dareento in dugsiga ama waaxyaha aysan raacayn siyaasad ama dhaqan cadaalad ah, fadlan la xiriir xafiiska gardoonka guud ee degmada. Dhexdhexaadiyaha wuxuu la shaqeeyaa qoysaska iyo dugsiyada si loo xalliyo welwelka aan lagu xallin karin heerka dugsiga.