Seattle Public Schools

Resources

Transportation

Gaadiidka

Dugsiyada Dadweynaha Seattle waxay siiyan gaadiid bilaash ah ardayda ku nool agagaarka aaga ay ka soo qeybgalaan laakiin ka baxsan aaga lugaynta ee dugsiga.

Hadii arday lagu meeleeyo barnaamij, sida adeegyada maqalka la’ iyo kuwa adag, kaas oo aan laga heli karin xaafadaada ( imaanshaha), gaadiid ayaa la bixiyaa.

Tilmaamaha U-qalmitaanka Gaadiidka

  • Dugsiyada hoose iyo kuwa K-8 waxay leeyihiin soohdin socod 1-mayl ah. Ardayda xaqa u leh waxaa lagu bixiyaa adeega ugu horrayn basaska dugsiga jaalaha ah.
  • Dugsiyada dhexe waxay leeyihiin soohdin socod oo 2-mayl ah. Adeeggu waa baska jaalaha ah ama kaarka ORCA ee Metro.
  • Dugsiyada sare waxay leeyihiin soohdin socod oo 2-mayl ah. Adeegga waxaa lagu bixiyaa kaarka ORCA.

Isticmaal imaanshaha dugsiga iyo khariidadaha goobta gaadiidka dugsiga si aad u ogaato haddii ilmahaagu u qalmo gaadiid.

Lug iyo baaskiil  dugsiga ku imow!

U lugaynta iyo baaskiil ku imaanshaha dugsiga waa hab madadaalo leh oo lagu sameeyo jimicsi, lagu dhimo saxmadda iyo wasakhowga agagaarka dugsiyada, loona abuuro bulsho. Daraasaduhu waxay yiraahdeen ardayda u socota iyo baaskiilka ku taga dugsiga waxay la yimaadaan feejignaan dheeraad ah iyo diyaar u ahaan inay wax bartaan! Lug iyo baaskiil  dugsiga ku imow!

Waddooyin ammaan ah oo loo maro dugsiga

Baaskiil kaxaynta iyo lugaynta ayaa ah siyaabo aad u fiican oo lagu tago dugsiga. Isticmaal khariidad is dhexgal ah ee magaalada Seattle si aad u hesho dariiqo badbaado leh oo socodka iyo baaskiilka lagu aado dugsigaaga.

Baska oo daahay

Jidadka baska mararka qaarkood waa la daahiyaa taraafikada, cimilada, dhismaha, ama xaaladaha kale dartood.

Haddii baskaagu soo daahdo, waxaanu kugula talinaynaa ardaygaaga inuu joogo goobta baska. Fadlan samee qorshe oo kala hadal ardaygaaga waxa la sameeyo haddii baskoodu soo daahdo.

Arag waddooyinka baska ee lagu soo warramey inay socdaan ugu yaraan 15 daqiiqo.