Taariikhaha muhiimka ah ee 2026-2027
Summary: Malmaha Sanad Dugsiyeedka 2026-27.
Jadwalka Sannad Dugsiyeedka
- Maalinta koowaad ee bilawga dugsiga fasallada 1-12 waa Arbacada, Sebtember 2.
- Maalinta koowaad ee bilawga dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta (preschool) waa Talaado, Sebtember 8.
- View start and end times for all schools.
Taariikhaha Muhiimka ah ee 2026-27
Sebtembar 2 maalinta koowaad ee dugsiga ee ardayda fasalka 1-aad – 12aad. Sebtembar 2-deeda hal saac oo horay u siideyn ah ma jirto. Horay u siideyntu waxay dhici doontaa Arbacada kasta marka laga reebo usbuuca ugu horreeya ee dugsiga.
Sebteembar 2-4 Xiriirka Qoyska ee Dugsiga Xanaanada Carruurta iyo Xanaanada Carruurta
Sebteembar 7 Maalinta Shaqaalaha (dugsi ma jiro)
Sebtembar 8, maalinta koowaad ee dugsiga ee ardayda dugsiyada barbaarinta (Kindergartin)
Oktoobar 9 Maalinta Adeegga Gobolka (dugsi umajiro ardayda)
Noofambar 11-keeda Maalinta Askarta Waa La Xusay (Dugsi ma jiro)
Noofambar 23-25 Maalmaha shirarka waalidka iyo macalinka dugsiga hoose (uma jiro dugsi ardayda dugsiyada hoose iyo kuwa K-8; wayse ku kala duwan karaan dugsiyadu)
Noofambar 26-27 Thanksgiving iyo Maalinta Dhaxalka Dadka Luoogu yimi Dhulka Maraykanka (dugsi majiro)
Diseembar 18 1-saac oo horay u siideyn ah
Diseembar 21-Janaayo 1, 2027 Fasaxa jiilaalka (dugsi ma jiro)
Janaayo 18 Martin Luther King Jr. Day (dugsi ma jiro)
Febraayo 15-19 Fasaxa bartamaha jiilaalka, oo ay ku jirto Maalinta Madaxweynayaasha (dugsi majiro)
Abriil 12-16 Fasaxa gu’ga (dugsi ma jiro)
Maayo 31 Memorial Day (dugsi ma jiro)
Juun 18 Juneteenth (shaqaaluhu waa fasax, dugsi ma jiro haddii weli la dhiganayo)
Juun 21 Maalinka dugsiyada ugu dambeysa (1-saac oo horay u siideyna ah).
Maalmaha dib u gudista haddii ey jiraan Juun 22, 23.
