Seattle Public Schools

Xogtii Ugu Dambeysey ee Maalinta Ugu Danbaysa Dugsiga ee Dugsiyada Qaarkood

Summary: Dhawr dugsi oo SPS ah ayaa u baahday maalmo dib u habeyn ah sanadkan sababtoo ah xiritaanka Janaayo 2022.

Xogtii Ugu Dambeysey ee Maalinta Ugu Danbaysa Dugsiga ee Dugsiyada Qaarkood

Dhawr dugsi oo SPS ah ayaa u baahday maalmo dib u habeyn ah sanadkan sababtoo ah xiritaanka Janaayo 2022.

Dugsiyadani waxay yeelan doonaan maalinta dambe ee ugu dambeysa sannad dugsiyeedka 2021-22.

Maqnaanshiyaha shaqaalaha awgeed, todoba dugsi ayaa la xidhay Janaayo. Waa sharci dawladeed in ardaydu helaan 180 maalmood oo waxbarid. Xafiiska Kormeeraha Guud ee Waxbarashada (OSPI) ayaa ku taliyay in xidhitaanka dugsiga ee la xidhiidha maqnaanshaha shaqaalaha aanay u qalmi doonin cafiska oo ay tahay in la gudo. Taariikhaha la gudayo ee loo baahan yahay ayaa bedeli doona maalinta ugu dambeysa ee dugsiga ee dugsiyadan.

Haddii dugsigaagu aanu liiskan ku jirin, maalinta ugu dambaysa ee dugsigu waa Jimcaha, Juun 17.

Fadlan ogow, Juneteenth waa fasaxa shaqaalaha ee Dugsiyada Dadweynaha Seattle. Sanadkan, wexeyna ku beegantahy maalinta Isniinta, Juun 20.

Maalinta Dugsiga Ugu Dambeysa

  • Dugsiga Sare ee Cleveland maalinta ugu dambeysa ee dugsigu waa Khamiista, Juun 23 (3 maalmood oo la gudidoono)
  • Dugsiga hoose ee Kimball maalinta ugu dambeysa ee dugsigu waa Khamiista, Juun 23 (3 maalmood oo la maalmood oo la gudidoono)
  • Dugsiga Sare ee Franklin maalinta ugu dambaysa ee dugsigu waa Arbacada, Juun 22 (2 maalmood oo la maalmood oo la gudidoono)
  • Dugsiga Sare ee Lincoln maalinta ugu dambaysa ee dugsigu waa Arbacada, Juun 22 (2 maalmood oo la maalmood oo la gudidoono)
  • Dugsiga Sare ee Sealth International maalinta ugu dambaysa ee dugsigu waa Talaado, Juun 21 (1 maalin oo la gudidoono)
  • Intergency maalinta ugu danbeysa ee dugsiga waa talaadada, Juun 21 (1 maalin oo la gudidoono)
  • Dugsiga Sare ee Garfield maalinta ugu danbeysa ee dugsigu waa talaadada, Juun 21 (1 maalin oo la gudidoono)

You may also be interested in

A student holds a sign that says welcome in Somali

Ka Diwaangeli hada SPS

lmahaagu 5 sano ma noqon donaa August 31? Markan waa waqtigii lagu qori lahaa Kindergarten Dugsiyada Dadweynaha Seattle.
An illustration of a calendar

Taariikhaha muhiimka ah ee 2023-24

Malmaha Sanad Dugsiyeedka 2023-24.