Seattle Public Schools

Guddiga Dugsiga ayaa Dr. Jones u doortay Kormeere

Summary: Guddida Maamulka Dugsiga Seattle waxay u doorteen Dr. Brent Jones inuu noqdo kormeeraha cusub ee Dugsiyada Dadweynaha Seattle.

Guddida Maamulka Dugsiga Seattle waxay u doorteen Dr. Brent Jones inuu noqdo kormeeraha cusub ee Dugsiyada Dadweynaha Seattle. Kormeeraha guud Jones waxa uu u ahaa kormeere ku meel gaadh ah degmada ilaa Maajo 2021. Qandaraaskiisu waxa uu hirgalayaa isla markiiba.

Hogaamiye fikir badan oo soo jiidasho leh, Kormeeraha Guud Jones waxa uu leeyahay in ka badan 20 sano oo waayo-aragnimo ah waxbarashada iyo hay’adaha dawladda oo ay ku jiraan lix sano Dugsiyada Dadweynaha Seattle. Khibraddiisa waxa ka mid ah qorshaynta istiraatijiyadeed, ka-qaybgalka bulshada, maamulka isbeddelka, iyo ilaha shaqaalaynta dadka.

Waxaad ka akhrisan kartaa ajandaha kulanka guddiga dugsiga ee ansixiyay qandaraaska labada sano ah ee Kormeeraha Guud Jones ee shabakadda degmada.

Khudbada Wargelinta Degmada

Kormeeraha guud Jones wuxuu jeedin doonaa khudbada ogeysiiska degmadaTalaadada, 15ka Maarso, saacadu markay tahay 6 galabnimo. Waxaad hadalka ka daawan kartaa kanaalka SPS YouTube, sidoo kale Comcast (26), Wave (26), iyo Century Link (8008) fiilada.

You may also be interested in

A photo of Superintendent Jones talking with staff in a school.

Kormeere Guud Jones Dhexmarka Bulshada iyo Dhageysiga Gu’ga 2022

Ku biir dhacdo onlayn ah si aad uga qaybgasho wada hadalka Kormeeraha Guud Jones…
Two graduates smile for a photo in cap and gown.

Dhammaadka 2021-22 Fariinta ka socota Kormeeraha Guud Jones

Idinkoo mahadsan dhammaantiin iyo rajada wanaagsan ee xagaaga ammaan iyo raaxaysi.