Seattle Public Schools

Resources

Preschool and Kindergarten

Seattle Public Schools Preschool and Kindergarten Information

Headstart

Waxaanu bixinaa:

  • Barnaamijyo maalin barkeeda iyo maalinta oo dhan oo xadadan oo aanu ku qabano dugsiyada hoose ee Seattle oo dhan!
  • Gaadiid albaab ka albaab ah
  • Fasalo ay u dhan yihiin carruurta awood kasta leh
  • U diyaargarowga dugsiga iyo marxalada u gudbida barbaarinta
  • Adeegyada caawinaada qoysaska
  • Cuntana waa ku jirta
  • Adeegyada waxbarashada labada luqadood, oo ay ku jiraan turjibaanada

Waxaanu u adeegna:

  • Carruurta gaaray 4 ama 3 Agoosto 31keeda
  • Qoysaska u qalma dakhliga ayaa mudnaanta leh
  • Qoysaska hela TANF/Ku-xiriirinta Shaqaynta
  • Carruurta hoy la’aanta iyo fosterka si toos ah ayay ugu qalmaan!

Early Learning Department 206-252-0960


Preparing for Kindergarten

Helping Your Child Prepare for Kindergarten

Parents and families have a very important role as their child’s first teacher. Children learn in different ways and at Waalidiinta iyo qoysaska waxay leeyihiin door aad u muhiim ah sida macalinka koowaad ee ilmahooda. Carruurtu waxay u bartaan siyaabo kala duwan oo heerar kala duwan. Waxay la yimaadaan dugsiga xirfado kala duwan. Xeerarkani waxay muujinayaan qaar kamid ah xirfadaha carruurtu u baahan tahay in loo diyaar garoobo xanaanada. Liiska hoose ayaa ku sheegayaa siyaabaha ilmahaaga ula shaqeeyn lahayd sidaad uga caawiso ilmahaaga u diyaarinta dugsiga.

Sooshal / Niyadda

  • Ilmahaygu wuu raaci karaa tilmaamaha 2-talaabada si joogta ah waxaanu bilaabey inuu raaco tilmaamaha 3-tallaabo.
  • Ilmahaygu wuu xasusan kara waana raaca hababka (sida cashada, qubeyska, cadeyga, akhriska sarirta, sexashada) 
  • Ilmahaygu wuu sheegi karaa dareenkiisa (marku: faraxsanyahay, murugonayo, dareen farxad).
  • Ilmahaygu wuu isdajin karaa / nafsadisu marka niyad jabto ama caroonayo.
  • Ilmahaygu wuu gashan karaa koodhkiisa.
  • Ilmahaygu isagaa qubeysan karaa.
  • Ilmahaygu isaga meydhan karaa gacmahiisa.
  • Ilmahaygu wuu xareya alaabta lagu ciyaaro, nadifiyaa wixii daata ,wixii u doono wuu soo qaadan kaaa.
  • Ilmahaygu wuu la wadaaga waanu cawiya ilmha kale.
  • Ilmahaygu wuu la qabsada xalada cusub iyo dadkaba.
  • Ilmahaygu wuu la wadaaga ciyarta ilmaha kale.
  • Ilmahaygu wuu dajiya ilmaha kale.
  • Ilmahaygu si joogta ah ayuu ula ciyaara ilmaha kale ee da’diisa ah.

 

Jidh-ahaaneed

  • Ilmahaygu wuxuu kara inuu ordo, boodo iyo faranfardeeyo.
  • Ilmahaygu wuxuu kara inuu isku taago lug kaliya.
  • Ilmahaygu wuxuu kara inuu tuuro oo uu qabto kubad/bolooni weyn.
  • Ilmahaygu wuxuu kara inuu haratiyo kubad/bolooni.
  • Ilmahaygu maqaska waxbuu ku goyn kara.
  • Ilmahaygu wuu qabsankara waanu adeegsankara.
  • Ilmahaygu wuxuu kara inuu xidho, isku dhajiyo siibada iyo badhanka.

 

Luqadda

  • Ilmahaygu wuxuu kara inuu isticmaalo kalmado fikirkiisa iyo baahidiisaba.
  • Ilmahaygu wuxuu kara inuu magacabo oo macneeyo waxyabaha ka mid ah noloshiisa.
  • Ilmahaygu wuxuu adeegsadaa ereyo cusub oo maalin kasta .
  • Ilmahaygu si cad buu hadla iyo dadka intooda badan oo fahma.
  • Ilmahaygu wuxuu ku hadli karaa 4-6 weedhaha hadalka.
  • Ilmahaygu wuxuu ka hadli karaa waxyaabo horay u dhacay , iyada oo faahfaasan.
  • Ilmahaygu wuxuu la yeelan karaa wada hadalka mowduuc qof kale , isagoo hadalka markiisa sugaya.

 

Fahmada

  • Ilmahaygu ka fikiri karaa in ka badan hal hab oo ku xaliyo dhibaatada.
  • Ilmahaygu wuxuu muujinayaa fiiro isagoo doonayaa jawaabta su’aalaha.                               
  • Ilmahaygu wuxuu muujinayaa dabacsanaan iyo hal-abuur ee ciyaarta iyo xalinta dhibaatada.
  • Ilmahaygu wuxuu karaa inuu isku aadiyo waxyaabo isku koox ah sida midabka , qaabka , ama dumucda iwm.
  • Ilmahaygu wuxuu u fadhiyi karaa qumaati, fiiro toosan, la socda dhaqdhaqaaqa.

 

Akhris-Qoraal

  • Ilmahaygu wuu yaqaana 5-10 heesaha ama heesaha carruurta.
  • Ilmahaygu wuu og yahay haddii erayada bilaw codka isku ah (tusaale ahaan big, brown, bear).
  • Ilmahaygu wuxuu maqli karo qeybo ka mid ah ereyada (tusaale: hap-py, 2 qeybood or 2 dhawaaq).
  • Ilmahaygu wuxuu aqoonsada magacyada 10-20 xarfaha sare iyo 10-20 xarfaha hoose.
  • Ilmahaygu wuxuu sheega codadaka saxda ah ee 10-20 xarfaha.
  • Ilmahaygu wuu yaqaan qaybaha buug : korkiisa, magaciisa, bogagga , erayada , iwm.
  • Ilmahaygu wuu la akhriya qof weyn, wuu dhageysta sheeko maalin kasta, wuu ka hadla oo ka shekeyn kara sheeko.
  • Ilmahaygu “wuxuu qora” sheeko isagoo sawiraya iyo/ ama isticmaalaya xarfaha.
  • Ilmahaygu wuxuu qori karaa magacisa iyo aqoonsiga xarfaha.
  • Ilmahaygu wuxuu dhihi karaa alifbeetada.

   

Xisaabta

  • Ilmahaygu wuxuuirin karaa 10-20 walxaha, tilmaama shay kasta.
  • Ilmahaygu wuxuu tirin karaa dhawaaq, ilaa 20.
  • Ilmahayga waxa uu bilaabay in uu fahmo iyo isticmaalka erayadan si aad ah, yar iyo isku mid.
  • Ilmahaygu wuxuu garan kara tirada 1-10
  • Ilmahaygu wuxuu isku aadin kara tirada 1-10 iyo walxaha ku aadan.
  • Ilmahaygu wuxuu tilmaamayaa qaababka caadiga ah (sida: goobada, oo laba jibbaaran, xagalka, laydi).
  • Ilmahaygu wuu isku aadin kara oo kala saari kara qaababka fudud.
  • Ilmahaygu wuxuu isticmaalaa lagu qiyaaso ciyaarta (sida: koobabka, qaadooyinka,cabirka, qiyaasta).
  • Ilmahaygu wuxuu adeegsadaa ereyo si usharaxo waxyaabaha , qaab, iyo miisaanka (sida: weyn, goobada, culus).
  • Ilmahaygu wuu is gelin karaa wax (sida: 1aad, 2aad, 3ad).

 

Macluumaadka Shaqsiyeed

  • Ilmahaygu wuu yaqaana magiciisa hore, Magaca awoowe iyo magacyada waalidiinta.
  • Ilmahaygu wuu yaqaana cinwaankiisa iyo lambarka taleefanka.
  • Ilmahaygu wuu magacaabi kara 10 qeybaha jirka (madaxa, garbaha, jilbaha, faraha, iwm).
  • Ilmahaygu wuu yaqaanan da’diisa iyo maalinta dhalashada.