Seattle Public Schools

Resources

Naviance

Naviance

Naviance waxaa loo istimaalaa Si aan uga caawino ardayda iyo qoysaskoodu u diyaar garowga nolosha markay ka baxaan dusgiyada dadwaynaha Seattle. iyagoo isticmaalaya Naviance, Ardayda iyagoo eegaya koleejooyinka iyo shaqada dariiqeeda, iyagoo eegaya xirfadooda iyo waxa ay ku wanaagsanyihiin shaqooyinka ama isqiimeynta shaqsiyadooda isla markaana abuuraan in ay dabagal ku sameeyaan guusha waxbarasho oo ay doonayaan in ay gaaraan .

Baadh waxa adiga kuu gaarka ah waxaad ku fiican tahay adigu.

Naqshada baadhida wuxuu ku fiican yahay waxay Naviance muujinaysaa sadex wax oo uu ardaygaagu ku fiican yahay, oo hadii uu ka faa’iidaysto uu ku gaadhi karo horumarka dugsiga, shaqada iyo noloshaba.

Ku xidh waxaad xiisayso inaad ka shaqayso.

Marka la qiimeeyo wuxuu ardaygu xiiseeyo, shakhsiyadiisa, maadooyinka uu xiiseeyo, xog ururinta shaqooyinka waxay Naviance tilmaan ka bixin doontaa nooca shaqada uu ardaygu ka heli karo ee uu xiiseeyo. Xog ururinta Naviance wuxuu ardaygaagu ka jawaabayaa su’aalo la xidhiidha shaqooyinka uu xiisaynayo inuu ka shaqeeyo, waxaanu helidoonaa jawaabo la xidhiidha shaqooyinka uu xiiseeyo. Waxaa shaqooyinka loogu qoridoonaa liiska wax yaabaha uu xiiseeyo.

Baadh

Baadh jaamacadaha iyo maadooyinka kuu diyaarin doona shaqooyinka la xidhiidha waxaad ku fiican tahay ee aad xiisaynayso.

Abuur qorshe adoo isticmaalaya barnaamijka Naviance.

Deji oo qor siifiigaaga – Wuxuu ardaygaagu qoraan ku kaydindoonaa wuxuu qabto, shahaadooyinka la gudoonsiiyo, meelaha uu iskaa wax u qabso ugu shaqeeyo, xirfadaha uu leeyahay, iyo waxyaabe kale oo badan kiiyo isticmaalaya qalabkan.
Buuxinta araajida jaamacadaha – Dabo gal jaamacahada uu ardaygu ka fikirayo ee uu araajida u qoranayo – xataa codso in rikoodhka buundooyinka online loogu diro jaamacadaha.
Kaydka iskoolarshibyada gobolka iyo wadanka – Waxaa jira kumanaan iskoolarshib oo uu ardaygaagu arji uu ku codsado u qoran karo.
Qorshaha dugsiga sare iyo wixii ka danbeeya – Shaqaalaha dugsiga sare waxay isticmaalidoonaan Naviance si ay ardayda fasalada 8- 12 u baraan casharo ku saabsan dugsiga sare iyo wixii ka banbeeya. Qorshaha dugsiga sare iyo wixii ka danbeeyaa wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ardayda laga rabo si ay u qalinjabiyaan, waxaanay ardayda iyo lataliyehooda ka caawin doontaa siday u samaynlahaayeen qorshe la xidhiidha himilada ardayda.

Amaanka Xogta

Dugsiyada Dadwaynaha Seattle xilwaynbay iska saaraan siday u xafidi lahaayeen Kaydka una ilaalin lahaayeen. Naviance xeerarkeeda la xidhiidha amaanka iyo ilaalinta kaydku waa mid aanu aad u soo baadhnay oo aanaan wax walwala ka qabin. Naviance sida xeerkooda ku cad ma iibin karaan cid kalena lama wadaagi karaan xogta kaydka. Waxa aanu sidoo kale kala qoranay heshiisyo khuseeya xogta iyo cida lala wadaagi karo, Naviance way ku dhaqmaysaa waanay hirgelinaysaa heshiiska aan kala saxeexanay.

Qaybaha Xogta

Qaybaha Xogta waxaa Naviance lagu kaydindoonaa xogahan si ay ardayda ugu fududaato isticmaalkeedu: magaca ardayga oo buuxa, magaca uu isticmaalo, ID-ga, dugsiga, fasalka, taariikhda dhalashada, buundooyinka, maadooyinka, Celgeliska Buundooyinka, buundooyinka imtixaanada ACT/SAT, qoomiyadiisa iyo jinsigiisa lab ama dhedig. Waxa kale oo la ogolyahay in la abuuro kooxo arday ah, si ay lataliyeyaashu u caawin karaan ardayda u baahan (tusaale, ardayda heshay iskoolarshibka College Bound, ardayda luqooyinka kale ku hadasha ee ingiriisiga barata, ardayda tagta jaamacadaha ee qaadata barnaamijka Running Start, ardayda qabta baahida gaarka ah). si loo xafido shakhsiyada ardayga waxaa kooxahan loo isticmaali doonaa magacyo dahsoon.

Wakhtida aad diidi karto in ardaygaagu isticmaalo Naviance

Qoysaska aan rabin in ardaygoodu isticmaalo Naviance way diidi karaan iyagoo ka badalaya rabitaankooda the Source. Waxay diidmadan samayn karaan inta u dhaxaysa bisha Autust 16th-September 24th.

Fiiri Naviance for additional information.