Seattle Public Schools

Ka-jawaabista Masiibadii Qaran

Summary: Wanaagga ardaydeenna ayaa ah welwelkayaga ugu sarreeya.

Qoysaska qaaliga ah ee Dugsiyada Dadweynaha Seattle,

Toogashadan wadareed ee naxdinta leh ee ka dhacday dugsi hoose oo ku yaala magaalada Uvalde ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka maalintii talaadada ayaa waxa ay keentay in degmadeena iyo guud ahaanba dalka ay ka dhacdo murugo.

Taas awgeed, waxaanu idnal wadaageynaa agabka taageerada iyo sida ay nooga go’an tahay badbaadada iyo fayo-qabka arday kasta oo ku jira daryeelkayaga.

Ardaydu waxay u badan tahay inay dareemayaan saamaynta dhacdadan xun xun. Waxaa laga yaabaa inay ka maqleen dugsiga, warbaahinta, ama saaxiibada. Ardaygaagu waxa laga yaabaa inuu dareemayo dhib, baqdin, jahawareer ama xanaaq.

Si aan kaaga caawino inaad kala hadasho dhacdooyinkii u dambeeyay ilmahaaga/carruurtaada waxaan ku siinaynaa agabyada hoose:

Sababtoo ah dhacdadu waxay ka dhacday dugsiga, ardaydu waxay dareemi karaan walaac sare oo ku saabsan ammaankooda dugsiyadooda ama bulshooyinkooda. Wanaagga ardaydeenna ayaa ah welwelkayaga ugu sarreeya. Waxaanu dejinay tallaabooyin badan si aan u hubinno in dugsiyadu ammaan yihiin, iyo in la bixiyo meel ay ardaydu ku dareemaan daryeel oo ay ku helaan raaxo.

Quluubtayada iyo fikradahayadu waxay la jiraan qoysaska iyo bulshada Uvalde. Waxaan rajeynayaa inaad wakhti la qaadan karto kuwa aad jeceshahay toddobaadyada soo socda. Haddii aad qabto su’aalo ama faallooyin, fadlan isticmaal Aan wada hadalno form.

Si daacadnimo leh,
Dr. Brent Jones
Kormeere Guud
Dugsiyada Dadweynaha Seattle