|
Barida iyo waxbarashada Dugsiyada Dadweynaha Seattle waxay qani ka yihiin araday iyo shaqaalo dhaqano kala duwan. Dugsiyadeeyna waxaynu ka diiwaan-galinaa arday ka timid in ka badan 70 dal, kuna hadlaano in ka badan 90 luqadood. Ujeedadeeyno waxay tahay in aynu bixino howlo kala jaad ah oo lagu cawinaayo ardayda iyo waalidka laba luqad ku hadlo, si ay u dareemaano soo dhaweynta dugisydeeyna iyo in la kaalmeeyo ardayda sida ay ugu guulaysan lahaayeen cilimiga. Howlahaas waxaa ka mid ah Barnaamijaka luqada Ingaliiska, kaaliyaasha macaliimta oo cawinaayo ardayda ku yar tahay aqoonta iyo garashada luqada Ingaliiska iyo cawinaada u dirida daryeelka caafimaadka, shaqada, iyo howlaha sharciga. Xarunta Qoyska Labada Luqada waxay ku taalaa Dugsiga Dhexe Cilmiga Aki Kurose.Waxaana ka shaqeeyo shaqaalo ku hadlo luqado badan una diwaan-galinaayo ubadkaada barnaamijka waxbarasho ku haboon iyo kuna siinayaan akhbaaro ku saabsan siyaasada iyo waxa looga baahan yahay dugsiga. Dalka Mareekanka, ka qaybgalka qoyska waxbarashada ubadka iyo dugsiga jaaliyadda waa xibno aad u muhiim ah gaaritaanka cilmiga. Dugsiga Dadweynaha Seattle, waxaynu qiimeynaa dhaqanada kala duwanaashaha qoysaska Seattle, isla markaan waxaynu soo dhaweyneenaa kartida badan, caqli, iyo asalka dhaqana kala duwan ee dugsiyadeeyna. Fadlan ka mid noqo iskaashiga wax-aqabadka waxbarashada ubadkaada.
Updated January 3, 2005 |
|