|
Si aan u xoojino wada xiriirka ka dhexeeya Skuullada, Ardayda,
Waalidiinta iyo Dadwaynaha, Xarunta Labada Luqadood waxay awood
kuugu siinaysaa caawinaada xagga luqadda iyo u adeegida waalidiinta
aan afkooda hooyo ahaynin Luqadda Ingiriisiga.
Waxaa kuu diyaar ah turjubaano kuugu caawina hadalka (oral
modality) kuuna adeega wakhtiyada IPE (Individualized Education
Program) waxbarashada gaarka ah la siinayo ilmahaaga iyo wakhtiyada
shirarka ka dhexeeya Macallimiinta iyo Waalidiinta, amaba marka
gurigaada lagula xiriiraayo telefoon ama booqasho laguugu imaanayo,
laguguna war gelinaayo haddii ay jiraan imtixaano ku saabsan
waxbarashada ilmahaaga oo laguu sheegayo in laga qaadi doono iyo
wax walba oo lug ku leh waxbarashada ardayga iyo Skuulka.
Waxaa kuu diyaar ah turjubaano (written modality) kuuna adeega
oo kuu turjuma dokumentiyada, warqadaha ka soo baxa Skuullada
Siyaatal ee Caamka ah, sida leetarada ka yimaada Skuullada ee
xiriiriya Waalidiina iyo qiimaynta Shahaadooyinka.
Shaqooyinkaas oo dhan waxaa laguugu qabanaaya luqaddaha
hoos ku taxan:
Amxaari,Soomaali, Shiinees, Lao, Spaanish,
Tagaalo (Af Filibiin),Tigrigna (Af Eritereya) iyo Fiyetnaamis
(Vietnamese).
|