|
Si aad skuulka ugu qorto ilmahaaga waxaa lagaaga baahan yahay
warqadaha hoos ku magacaaban:
- Foomka diiwaan gelinta oo aad ka heli karto Xarunta Labada
Luqadood ama haddii aad booqasho ku tagto shabakada Skuullada
Siyaatal qaybta qoritaanka ardayda adigoo ka daabacan kara
shabakadaas lafteeda.
- Caddayn - caddayn sawir leh oo ah Waalidka ama Wakiilka sida
ruqsada baabuurka,caddaynta Gobolka Waashinton ama baasaboor
- Laba caddayn - sida tan Gobolka Waashinton iyo kunturaada aad u
saxiixday guriga aad deggan tahay ama Warqada aad lacagta ku bixiso
ama Warqada aad korontada ku bixiso amd waraaqo kaaga yimid
DSHS-ta
- Haddii aad cid la nooshahay waxaad u baahan tahay warqada la
noolaashaha gaaban (Temporary Living With Form) oo aad ka heli
karto Xarunta Labada Luqadood (BFC) ama waxaad ka daabacan kartaa
Shabakada Skuullada Siyaatal qaybta qoritaanka ardayda.
- Ilmahaaga Talaalkooda oo tixane ah iyo taarikhdi la talaalay,
talaalkaas oo loo baahan yahay in uu waafaqsanaado sharciga
caafimaadka ee Gobolka
- Caddayn - dhalasho sida tan Isbitaalka, Kaarka DSHS-ta oo cusub
ama I-94 amaba Baasaboor
Ilmahaaga horay u soo wado si looga qaado imtixaanka
qiimaynta
Ilmaha iskuulka lagu qoraayo waa in ay shantoodi sano
buuxsantay
Bisha Agoosto 31deeda si ay u bilaabaan Sannad Skuuleedka cusub
Bisha (Setember).
|