|
Shaqaalaha Xarunta Labada Luqadood waxay ku Ardayda, Waalidiinta
yo Dadwaynaha fududaynta luqaddaha marka laga hadlaayo sharciyada
iyo xeerarka Adaabta, Dacwada, Ku Celinta Galaaski uu
dhiganaayay ardayga.
Adaabta
Waxbarashada Ku meel gaarka ee labada luqadood ardayda u
baahan, xaqna u leh haddii ay leeyihiin mashaakilo aadab waxaa lagu
qaadi doona Eedayn waxaana la marsiin doona sharciga Skuullada
Siyaatal u degsan. Mashaakiladaas waxaa ka mid ah Darsi Joojin Iyo
Edeb Darro. Marka ay taasi dhacdo waxaa loo diri doona
Skuullo lagu saxo ardayda adaabtooda, waxaana hawshaas ku
qabananaya oo kaa caawinaya Xarunta Labada Luqadood. Waxaa qasab ah
in ay soo dhameeyaan muddada loo diray Skuulladaas si ay awood ugu
helaan in ay dib ugu soo laabtaan Skuullada caadiga ah.
Dacwad
Sida ku cad RCW28A.225 oo ah Sharci, Waalidiinta ama
Wakiilada waxaa qasab ku ah in ay ardayda ku qoraal Skuullada isla
markaasna hubiyaan tegitaanka uu ardaygu tegaayo Skuulka marka laga
reebo sababo yar yar. Skuullada Siyaatal waxaa qasab ku ah in ay
kuu soo Diraan Dacwad ku socota Maxkamada haddii ilmahaagu Skuulka
iman waayo. Taasi waxay dhaxaysa oo kaliya marka ardaygu yeesho
maqnaasho xadki ka baxay ama maqnaasho uruuray. Marka ay Skuullada
Siyaatal Dacwad kaa geyso Maxkamada waxaa qasab ah in
Waalidiinta ama Wakiilka ilmahaas uu tago Galaasyo loo diyaariyay
ama Maxkamad.
Celinta Ardayga
Ardayda waxbarashadoodu ka liidato heerki waxbarashada ee
isku celcelinta, isla markaana aanan gaarin Heerka u dhigan
Skuullada Siyaatal waxaa loo celin karaa dib ugu yaraan sannad,
taasna waxaa awood u leh oo samayn kara Macallinka Galaaska. Waxaa
la qabtaa inta ka horeysa dib u celinta shir ka dhexeeya
Waalidiinta, Macallimiinta iyo Maamulka Skuulka taasoo lagu
go’aaminaayo dib u celinti ardayga. Isla marka la isla
meel dhigo dib u celinta ardayga waalidiinta waxay helaayan
go’aanki la gaaray asagoo saxiixan.
Waxaa kale oo macquul ah in ay waalidiintu ardaydooda ku qortaan
iskuul kale. Waallidiinta waxaa laga rabaa in ay keenaan
warqadii ardayga dib loogu celiyay marka ay doonayaan in ay u
bedeshaan Skuul kale.
|